|

Qorshaha xukuumadda oo weli ah Doorashada Ururada

Hargeysa. 22 November, 2022. (QJ)- Xukuumadda wakhtigeedu dhammaaday ee Somaliland ayaa weli uu qorshaheeda koobaad yahay in la qabto doorashada ururada oo Somaliland ka dhacda balse qaabka ay u suurtagalayso ayay su’aalo ka taagan yihii.

Shalay ayay ahayd markii Muuse Biixi urur kale oo ku hadhay shuruudaha madax taabashada uu u sheegay maxkamadda sare in lasoo saaro, ururkaas oo ahaa mid uu wetay siyaasi Ciidagale ah iyadoo qorshaha koobaad lagu sheegay in sanaaduuqda gaysa deegaanada Ciidagale dego maadaama beesha Habaryoonis iyada laba urru loosoo saaray. Labada beelood oo ah beesha Garxajis ayauu Muuse Biixi u arkaa in ay caqabad ku yihiin taladiisa ixli uu dhammaystay muddo xileedkiisa dastuuriga ah.

HDABA MUXUU YAHAY QORSHAHA XIGA

Muuse Biixi wuxuu doonayaa in uu kasoo dhex hadlo Komishanka Doorashooyinka iyadoo uu rabo in ay ku dhawaaqaan doorashada urruada oo la qabanayo maadaama badi xubanha Komishanku ay yihiin xagiisa ama ka yimaadeen amgacaabistoodu. Muuse Biixi wuxuu doonayaa jadwal ay soo saaraan iyo in ay yidhaahdaan waxa horaysa doorashada ururada.

Caqabada uu wajahayo bals euu rabo in uu mariyo Komishanka ayaa ah xeer aanu u hayn doorashad ururada inkasta oo uu ku andcioodo qararrkii Maxkamadda Sare oo algu galo doorasahda ururada.

Hadii Muuse talllaabadaas qaado waxya keeni kartaa kala jab mar kale ku yiamada Komishanka Doorashooyinka iyo khilaaf kale dhaco mar kale kadibna uu burburo Komishanka Doorashooyinku.

Comments are closed