|

Muuse Biixi oo eryaya xeer ilaalintii Maroodijeex

Hargeysa. 21 November, 2022. (QJ)- Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Somaliland ayaa shaqada ka joojinaya xeer ilaaliyihii gobolka Maroodijeex oo dacwado badan ka diiday dhanka xukuumadda.

Muuse Biixi ayaa amray in la fasaxo Mawliid Cabdi Muuse si loogu bedelo shakhsi la dhex marin karo dhammaan dacwadaha ay xukuumaddu wadato.

Waxa xusid mudan, in xukuumadda Somaliland ay imika bilawday wanjalaad ku aadan kiisas khamri ama kufsi kuwaas oo loo maleego dhammaan dadka la raadinayo ee xukuumadda dhaliila.

Muuse Biixi ayay ka go’antahay in uu ka adkaado mucaaradka balse dhabaha uu u marayo ayaa la isku hayaa iyadoo Beesha Caalamku tallaabooyinka Muuse Biixi ka walaacsan tahay.

Comments are closed