Beesha Caalamka oo weli hakinaysa tallaabooyinka mucaaradka iyo waxa ay wadaan
Hargeysa. 20 November, 2022. (QJ)- Beesha Caalamka ayaa weli wada dedaalo lagu xalinayo khilaafka ka taagan Somaliland iyadoo ay dalbadeen in ay mcuaaradku hakiyaan tallaaboyinka ay qaadi lahaayeen.
Xubno ka tirsan Beesha Caalamka ayaa saraakiisha mucaaradka ka dalbaday in ay hakiyaan bayaanada weedhaha kulul ku qoran isla markaana ay dajiyaan atageerayaashooda. Waxay u balan qaadeen mucaaradka ain ay wadaan dedeaalo lagu xalinayo khilaafka iyaga oo imanaya magaalada Hargeysa.
16 Novemebr ayay ahayd in ay Hargeysa yimaadaan sida qorshuhu aha amar kale ama in ay mcuaaradka war kusoo celinayaan, laakiin ma dhicin taasi iyadoo ay weli dalbanayaan in la sugo. Waxa xusid mudan in wixii ka danbeeya Aaxadda maanta laga yaabo in war laga helo.
Weli dhanka xukuumadda wakhtigeedu dhammaaday ma jiro wax tanaasul ah oo ka yimi iyo wax wada ahdal ah oo ayd alabdeen marka laga tago Muuse Biixi oo hroe u sheegay in wixii ka danbeeya 13 November uu la hadli doono mucaaradka.
Somaliland, waxa la sugayaa oo keliya Beesha Caalamka iyo waxa ay ka keenaan dhex dhexaadinat ay wadaan , iaydoo hadii dedaaladiisi ay fashiulmaan keeni akrta isku dhacyo Somaliland ka bilaabma 30 sanno kadib.