Xasan Sheekh oo booqanaya degaano Shabaab laga saaray
Maxaas November 19, 2022 (QJ) – Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa Maanta si mug leh loogu soo dhaweeyay degmooyinka Maxaas iyo Baxdo ee gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.
Masuuliyiinta maamulgoboleedka Hir Shabeele iyo kuwa Galmudug oo ay horkacayaan Madaxweynaha Galmudug iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle,guddoomiyeyaal, Xildhibaano, masuuliyiin kale iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmooyinka Maxaas iyo Baxdo ayaa Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya soo dhaweeyay.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa safarka madaxweyne Xasan ee uu Maanta ku gaaray degmooyinkaa ku sheegtay in looga gol leeyahay u kuurgalida xaaladaha ka jira furimaha dagaalka lagula jiro kooxada Al Shabaab ee ku sugan gobolada bartamaha Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhankiisa hadal u jeediyay shacabka degmooyinkaa iyo ciidamada ayaa ku bogaadiyay guulaha ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab, sheegayna in dowladda taageereyso dadka deegaanka ee go’aansaday la dagaalanka Al-shabaab.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu sii wado safarkiisan uu ku maryo degaanada dhawaanta lagala wareegay Kooxda Al Shabaab.