|

Muuse Biixi oo dhaleecayn wayn kala kulmay sawiro uu baahiyay

Hargeysa. 18 November, 2022. (QJ)- Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Somaliland ayaa maanta baahiyay sawiro muujinaya isaga oo faras saaran, isla markaana jooga deegaan u muuqday beerta ay isku haysteen Cismaan Dacas.

Muuse Biixi ayaa dhaleecayn wayn kala kulmay baraha bulshada iyada oo la arkayay dadka oo ku mesaalaya hogaamiyayaasha kaligood taliyayaasha ah ee wadamo kale.

Arinta ay dadku dhibsadeen ayaa ah madaxweynaha oo fardo ku raaxaysanaya halka dadkiisu gaajo u dhimanayaan. Waxa ugu danbaysay maanta oo nin uu isku dal dalay magaalada xeebta dhacda ee Berbera. Hore waxa u dhacay kiisas noocan ah iyadoo busaaradu jibaarantay gudaha Somaliland.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani ayaa sawirka madaxweynaha soo qaatay isagoo waydiimo kusoo dul qoray. Waxay daaranaayeen saboolnimada dalka taala iyo madaxweynaha faakahaysanaya.

Comments are closed