Waddani oo soo bandhigay dhukumantiyo been ah oo wasiir Cabdilaahi Abokor soo min-guuriyay
Hargeysa. 16 November, 2022. (QJ)- Xisbiga mcuaaradka ah ee Waddani ee Somaliland waxa uu maanta ka hadlay xaaladd Somaliland ee wakhtigan iyo sidoo kale xaalka dalka ee 5tii sanno ee uu talada hayay amdaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Somaliland, Muuse Biixi.
Xoghayaha Guud ee xisbiga Waddani mudane Khadar Xuseen Cabdi ayaa si faahfaahsan uga hadlay in Somalilan ay muran ku jirtay 5 sanno iyadoo ay meesha ka baxday dhaqanadii lagu majeeran jiray Somaliland ee xalinta khilaafaadka iyo isu tanaasulka. Khadar waxa uu dahnka kale ku dheeraaday sawirka Somaliland ka baxay oo ah mid aan wanaagsanayn iyo sida ay dunidu u ogaatay gar qaadasho la’aanta Muuse Biixi.
Dhanka kale, Waddaniw axa uu soo badn higay dhukumantiyo been ah oo wasiir Cabdilaahi Abokor uu kasoo qaatay dalka Rwanda kuwaas oo uu ka dhigay qaar wasaaradiisu ay curisay isla amrkaana lagu waafajinayo dhismayaasha kuwa heerka wadamada horumaray. Khadar Xuseen Cabdi ayaa warbaahinta la wadaagay dhukumantiyada uu Cbadilaahi Abokor kasoo min-guuriyay dalka Rwanda isaga oo ka dhigaya qorshe uu isagu keenay, waxaana uu ku qornaa afka Ingiriisiga.