|

Dunida oo diidan awooda uu Muuse Biixi ku fadhiyo talada Somaliland

Hargeysa. 15. November, 2022. (QJ)- Warbaahinta dunidu waxay si wayn uga hadlaysaa xaaladda siyaasadeed ee Somaliland gaar ahaan muddo xileedka dastuuriga ah ee madaxweynaha Somaliland oo dhammaaday iyo khilaaf ballaadhan oo dalka ka jira.

Dunidu waxay falanqaynaysaa mucaaradka Somaliland oo ku dhawaaqay in aanay aqoonsanayn madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ahi ku ekaa 13 November ee Somaliland, arintaas oo cawaaqibkeeda ay ka digayso khubaradu.

Warbaahino ay ka mid yihiin wakaalada wararka Maraykanka ee AP, wakaalada wararka Faransiiska ee AFP, BBC, France24, warbaahinta Bariga Afrika oo kuwa Kenya ay ugu cod dheer yihiin iyo qaar kaleba waxay ka hadleen muddo xileedka amdaxweynaha ee dhamaaday iyo dadka mudaharaadada sameeyay ee diidan korodhsiimada xukuumadda bisla amrkaana dalbanaya in doorasho la qabto.

Tusaale ahaan barnaajimka Focus On Africa ee warbaahinta BBC waxa lagu sheegay in shacabka Somaliland ay mudaharaado dhigayaan kadib madaxweynaha oo diiday in uu talada ka dego markii uu wakhtigiisa dastuuriga ah dhammaystay. BBC waxay faaqiday xaaladda Somaliland iyadoo dad u dhuun daloolana waraysatay.

Waa taariikh cusub oo Somaliland ka qorantay in xisbiyo haysta kala badh codka shacabka Somaliland ay ku dhawaaqaan in aanay aqoonsanayn madaxweynaha iyo xukuumadiisa.

Khubaradu waxay ka walaacsan tahay natiijooyinka ka dhalan kara hirdanka awooda ee Somaliland ka curtay maadaama dhinaca xukuumadduna ay sheegeen in aanay aqoonsi ka rabin mucaaradka, sida uu sheegay wasiirka hawlaha guud ee Somaliland.

Sawirka Somaliland ka baxya waa mid dhaawac wayn agadhsiinaya hanaanka dimuqraadiyadeed iyo dawladnimada Somaliland, iyadoo arintani ay halis ku tahay nidaamka doorashooyinka xorta ah iyo talo wareejinta nabdoon ee looga bartay Somaliland 30kii sanno ee lasoo dhaafay.

Comments are closed