|

Qurbejoog oo ogaatay waxa ay is-yidhaahdeen Muuse Biixi iyo ergadii ka socotay

Hargeysa. 14 November, 2022. (QJ)- Ergadii ka timi madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Somaliland ee u kala dab qaadaysay mucaaradka iyo Muuse Biixi ayaa bixisay tafaasiil dheeraad ah oo ku aadan ergada ay wadeen.

Qurbejoog oo helay xogta kulamada Muuse Biixi ay la qaateen ayaa ogaaday in madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday uu aqbalay in laga wada hadlo qaabak ay noqonayso doorashada amdaxtooyadu iyada oo la raacayo mudada ay komishanku soo ejediyeen.

Muuse Biixi ayaa gar naqsi dheer u galay ergada oo saddex ahaa, Maayirka Hargeysa, Cali Warancade iyo Maxamed Duur, isagoo u sheegay in laga gar daran yahay oo mucaaradad aan wakhtigeeda joogin lagu sameeyay isla markaana uu tabashooyin badan qabo.

Kulanka ay la galeen ayaa qaatay saacado badan iyaga oo kasoo baxay Salaadii Cishaayi iyada oo laga baxay, 8PM, iyada oo ay galeen duhurkii markii ay ka yimaadeen mcuaaradka, 1PM, waxayn intaas oo dahn ka wada hadlayeen wada hadalka iyo tabashada amdaxweynaha oo marka mawduuc lasoo qaadaba uu cabashooyin badan taxayay iyaguna ay dajinayeen.

Markii ay kulanka kasoo baxeen ayay arkeen mucaaradka oo hadlay isla markaana mawqifkooda jeediyay. Maayir Mooge iyo Maxamed Nuur Caraale Duur ayaa sheegay in aanay mucaaradka u tagayn maadaama ayhadleen balse Cali Warancade ayaa guriga Cirro tegay halkaas oo dadku ay ku gacan qaad ku samayn gaadheen kana qabteen ilaalada Cirro. Wuxuuna sheegay mar danbe in mcuaaradku ka dagdageen iyadoo Muuse Biixi heshiis ogolaaday.

Xogaha aanu ogaanay ee kalena waxa ka mid ah in aanu marna Muuse Biixi filahayn in go’aanka mucaaradku uu noqonayo kuma aqoonsanin oo dawladi ma jrito, iyadoo ay ku noqotay af-kala-qaad. Waa markii ugu horaysay taariikhda Somaliland ee ay arintani dhacdo.

Comments are closed