Tigrayga Itoobiya oo hubka laga dhigayo iyo waxa lagu heshiiyay
Jigjiga. 13 november, 2022. (QJ)- Dowladda Itoobiya iyo ciidamada Tigrayga ayaa kala saxeexday heshiis dejinaya qorshaha hir-gelinta heshiiskii nabadeed ee labada dhinac ay ku gaadheen waddanka Koonfur Afrika bishan.
Wakiillo ka kala socda dowladda Itoobiya iyo Jabhadda TPLF ayaa tan iyo Isniintii ku shirsanaa magaalada Nairobi, si ay heshiis uga gaadhaan dhinacyo kala duwan oo la xidhiidha dhaqan gelinta heshiiskii nabadeed ee lagu saxiixay magaalada Pretoria.
Ku dhawaaqida heshiiskan ayaa la filayaa in ay sare u qaaddo dadaallada ay wadaan dhexdhexaadiyayaasha Midowga Afrika ee lagu xallinayo colaadda labada sano ka socotay Itoobiya, taas oo ay ku dhinteen kumannaan qof, malaayiin kalena ku bara kiciyeen.
Saraakiisha ciidamada Itoobiya iyo kooxda TPLF ayaa heshiis ka gaadhay hub ka dhigista dagaalyahanada TPLF iyo soo gelitaanka ciidamada Itoobiya ee magaalada Mekele ee xarunta gobolka Tigreega, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay soo saartay dowladda federaalka ah ee Itoobiya heshiiskan kadib.
Hub ka-dhigistu waxay bilaaban doontaa maalinta Salaadada ah ee 15-ka November, sida lagu sheegay bayaankan, oo nuqul ka mid ah ay aragtay Qurbejoog.
Falanqeeyeyaasha ayaa sheegaya in doorka Eritrea oo aan ka qeyb galin wadahadaladan uu yahay mid weli walaac ka jiro. Ciidamada Eritrea ayaa dagaalka kala qeybgalay kuwa Itoobiya.
Iyadoo aan si gaar ah loo magacaabin cid ka tirsan ciidamada shisheeye, ayaa bayaanka la saxiixay Sabtidii lagu sheegay in “hub ka dhigista hubka culus ay dhici doonto marka laga saaro ciidamada shisheeye iyo kuwa aan militariga Itoobiya ahayn ee ku sugan gobolka.”
Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea Yemane Meskel ayaan markiiba ka jawaabin inuu ka hadlo arrintan.
General Tadesse Werede oo ka mid ah wakiillada TPLF ayaa sheegay in ku dhawaaqista fulinta heshiiskan ay rajo galisay inay soo afjari doonto dhibaatada heysata shacabka Tigrayga.