|

Ciidamada Soomaaliya oo ka baxay deegaano ay hore alShabaab uga qabsadeen

Muqdisho. 13 nOVEMBER, 2022. (QJ)- Wararka naga soo gaadhaya deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud EE Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee labadii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa deegaankaasi ay Xalay iskaga soo baxeen deegaankaasi.

Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda Fedaraalka ayaa sheegay in sababta looga soo baxay deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud ay tahay amar ka yimid taliska sare ee ciidanka dowladda soomaaliya, hayeeshee uuna ogeyn sababta rasmiga ee ka dambeysa.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee isaga soo baxay deegaanka Wabxo ayaa lasoo sheegaya iney dib ugu laabteen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo markii horeba ciidanka ka duulaan tageen.

Wararkii ugu dambeeyay ee Saakay kusoo dhacaya warqabadka Qurbejoog ayaa sheegaya in deegaanka Wabxo ay si nabad galyo ah dib ugula wareegeen dagaalamyaasha Al-shabaab.

Ma jirto wax faahfaahin dheeraad ah oo dowladda Soomaaliya ay ka bixisay sababta keentay in ciidamadeeda ay kasoo saarto deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud.

Muddooyinkii ugu danbeeyay waxa gudaha Soomaaliya ka socday dagaalo alShabaab dib loogaga xoraynayo deegaanada ay haystaan iyadoo dadka deegaanadu ay hormuud u ahaayeen dagaalkaas.

Comments are closed