|

Xaaladihii ugu danbeeyay ee Somaliland oo xiisadi ka taagan tahay

Hargeysa. 13 November, 2022. (QJ)- Maanta waa 13 November 2022 oo ku beegan maalinta ay ku egtahay muddo xileedka dastuuriga ah ee madaxweynaha Somaliland, waxaanay maalintani timi iyada oo khilaaf cakiran oo xoogani uu Somaliland ka taagan yahay isla markaana uu u dhexeeyo xisbiyada mucaaradka ah iyo xukuumadda Somaliland.

Kadib 13 November mucaaradka Somalialnd waxay hore u balan qaadeen in aanay aqoonsanayn madaxweynaha Somaliland hadii heshiis la agadhi waayo.

Maanta barqadii ayay ahayd in madaxda xisbiyada mcuaaradku ay warbaahinta la hadlaan si ay mawqifyadooda u cadeeyaan kadib 48 saacadood oo ay wadeen wada tashiyo dhex dooda ah.

Go’aamada mucaaradku waa kuwo qoran oo diayarsan wakhtigan aan idinla hadlayo sida ay ii xaqiijiyeen saraakiisha mucaaradka Somaliland oo aan goor dhawayd la xidhiidhay, balse ku dhawaaqida go’aamada ayaa dib loo dhigay muddo saacado ah oo ku eg lixda makhribnimo ee maanta.

Sababtu waxay tahay ergo u kala dab qaadaysa xukuumadda iyo mucaaradka oo ku maqan imika dhanka madaxweynaha maadaama ay saaka la shireen madaxda mucaaradka.

Ergada ayay mcuaaradku siiyeen saacado si ay jawaab ugu soo celiyaan in madaxweynaha Somaliland ay wada gaadhaan heshiis doorasho ama in ay ku dhawaaqaan go’aanada ay hayaan.

Madaxda mucaaradku waxya ku adkaysteen in aanay go’aanadoodu maanta la dhaafi doonin ee mudada saacadaha ah ay heshiis doorasho oo buuxa ay wada gaadhaan xukuumadda ama go’aamada lagu dhawaaqo.

WARARKA KASOO KORDHA KALA SOCO QURBEJOOG.COM

Comments are closed