Muuse Biixi oo bilaabay majare-habaabin kale iyo waxa ay tahay
Hargeysa. 9 November, 2022. (QJ)- Madaxweynaha Somalialnd ayaa mar kale bilaabay in uu majare habaabiyo dhinacyada daneeyayaasha doorashooyinka Somaliland, isagoo dhinac walba war gaar ah u sheegaya.
Tusaale ahaan, Beesha Caalamka wuxuu muuse Biixi shalay ku yidhi ” waxaan qabanayaa labada doorasho anoo raacaya jadwalka doorashooyinka, waxaanana ku qabanayaa muddo 9 bilood ah”. balse balan qaadkaas ayaa been ah isagoo warkiisii kasoo baxya xafiiskiisa ku sheegay in arimaha bini aadamtinimada ay ka wada hadleen xubnaha Beesha Caalamka.
Mucaaradka Somaliland ayuu sidoo akle Muuse Biixi mawqif kale ka taagan yahay isagoo u sheegay in kaliya uu ogolyahay doorashada ururada taas kadib na aan la ogayn dhinaca loo jihaysan doono.
Arintan ayaanay ahayn markii koobaad ee uu sameeyo Muuse Biixi isagoo dhawr jeer oo horeba warar is khilaafsan dhinacyada u kala sheegay.
Muuse Biixi ayaa illaa imika ay dhinacyada oo dhami ku jahawareereen mawqifkiisa rasmiga ah iyo shakhsiyadiisa maadaama aanu jirin war fadhiya oo loogu imanayaa.