Maxay alShabaab ka tidhi magaca cusub ee ay dawladdu ku baaqday in loogu yeedho
Muqdisho. 9 November, 2022. (QJ)- Kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta ayaa diiday u adeegsiga magaca “Khawaarij” ee dowladda federaalka Soomaaliya ay shaacisay– iyada oo ku tilmaamay erey meel ka dhac ah oo macneheedu yahay koox qalloocan oo xag-jir ah, sida ay BBC Monotoring ka soo xigatay warbaahina Al-Furqaan.
Dowladda Soomaaliya ayaa mamnuucday adeegsiga magaca Al-Shabaab, waxayna shacabka ka codsatay in kooxdan loogu yeedho “Khawaarij”.
Afhayeenka Al-Shabaab Maxamuud Cali Raage (Cali Dheere) oo la hadlay Idaacadda ku hadasha afka kooxda ee Al-Furqaan ayaa sheegay in adeegsiga eraygaasi uu qeyb ka yahay dacaayadaha ay dabada ka riixayaan wadaado taageersan dowladda.