|

Bangiyada Somaliland oo lacago badan lagala baxay iyo mashaariicda oo istaagay

Hargeysa. 8 November, 2022. (QJ)- Gudaha Somaliland waxa sii kordhaya dadka lacagaha kala baxaya bangiyada iyadoo lacago badan ay dadku la baxayaan kana cabsi qabaan xaaladda dalka wixii ka danbeeya 13 November oo muddo xileedka madaxewynaha ku eg.

Madaxda bangiyada qaarkood oo warbaahinta Qurbejoog ay waraysatay waxay noo sheegeen in xaaladdu ku adag tahay isla markaana uu saameyay khilaafka Somaliland ka taagan, arinta walaaca ku haysaana ay tahay in akoonada la faaruqiyo taas oo keeni karta in bangiyadu kacaan hadii xaaladdu sidaa ku socoto.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland ayaa dhawaan sheegay in khilaafka Somaliland oo hoos u dhigay dhaqaalihii dalka.

Dhanka kale, mashaariicidii ay ka mid ahaayeen dhismaha, soo dajinta badeecadaha iyo dhaq dhaqaaqa suuqyada ayaa iayguna is taagay iyadoo kaliya la wada eegayo waxa dhacaya marka la gaadho 13 november iyo wixii ka danbeeyaba illaa heshiis la agadhayo.

Somaliland waxa ka taagan cabsi xoogan oo ku aadan in iska hor imaado ay bilaabmaan kadib madxweynaha Somaliland oo diiday ergooyinka heshiis keeni lahaa isaguna ku taagan mawiqfkiisa.

Comments are closed