|

Ururada Siyaasadda Somaliland oo quus taagan

Hargeysa. 7 November, 2022. (QJ)- Ururada Siyaasadda ee Somaliland ee kasoo gudbay wareega madax taabashada ayaa quus ka jooga in ay doorasho galaan, iyadoo imika walaacyo badan ay soo baxayaan.

Warbaahinta Qurbejoog oo ogaatay aragtiyaha madaxda ururada iyo hadalo ay sheegeenba, waxay muujinaysaa xogta aanu helnay in madaxda ururadu aanay ku niyad samayn balan qaadkii Muuse Biixi maadaama aan xeer loo haynin doorashada ururada.

Bisha January waxa dhacaya diwaan galinta iyo shahaadada madax taabashada ee ururada iyadoo bilowgii hore ay ku noqonayaan waana arinta walaaca ku haysa, iyadoo cid doorashadooda hadal haysaa aanay jirin.

Madaxweynaha Somaliland ayaa isaguna dhankiisa sheegay “in aanu tacab danbe galinahayn ururada”, taas oo walaaca kusii kordhisay madaxda ururada.

Doorashada Madaxtooyada ayaa gudaha Somaliland la hadal hayaa iyadoo ay tahay qorshaha kaliya ee miiska saaran imika sila markaana diyaarka ah.

Comments are closed