Maxaa kasoo baxay shirkii Muuse Cabdalle oo cabsi hor leh xukuumadda ku noqday
Hargeysa. 6 November, 2022. (QJ)- Shirkii beesha Muuse Cabdalle ee uu kasoo jeedo murashaxa madaxweynaah xisbiga Waddani, Cbadiraxmaan Cirro, ayaa lagu soo afmeeray deegaanka oodanaha ah ee Isku-dar, kaas oo laga galo hal waddao oo kaliya isla markaana aanay ka dhicin moobilada iyo dhammaan ateenada kale.
Shirka ayaa xogtiisa aad loo adkeeyay balse warbaahinta Qurbejogo ayaa heshay mawqifyada qaar la isla qaatay, kuwaas oo walaac hor leh ku abuuraya xukuumadda Muuse Biixi.
Beesha Muuse Cabdalle waxay go’aansatay in aanay sinna u qabalin xukunka Muuse Biixi hadii aan lga heshiin khilaafka jira iyagoo isla qaatay in madaxweynaha beeddelaya Muuse Biixi uu yahay Cabdiraxmaan Cirro hadii atasi dhici waydanaya in kacdoon hubaysan ay kala hor tagaan xukuumadda imika jirta.
Xukuumadda Somaliland oo aanu warar kala duwan ka helnay waxaanu ogaanay in ay aad uga walaaceen shirkan isla markaana ay culaysyada kusii adkaynayaan madaxweynaha mudadiisu dhammaanayso ee Muuse Biixi, kaas oo diiday doorashada madaxtooyada oo la galo.
Somaliland wax alaga cabsi qabaa in ay god madaw iyo hubanti la’aan gasho wixii ka danbeeya 13 November, 2022 oo ku eg muddo xileedka madaxweynaha.