|

Muuse Biixi oo ka hadlay aragtidiisa in deegaanka Garxajis aan doorasho ka dhici karin

Hargeysa. 3 November, 2022. (QJ)- Madaxweynaha Somaliland ayaa markii ugu horaysay ka hadlay aragtidiisa ku aadan shir dhawaan lagu soo af meeray magaalada Burco, kaas oo ayq absatay beesha Garxajis oo degta 5 gobol oo ka mid ah 6 da gobol ee Somaliland.

Muuse Biixi ayaa sheegay in sharci darro ay tahay in beel degan Somaliland ay sheegto in deegaankeeda aan doorasho ka dhici karin, isagoo u muuqday in go’aankaasi uu u adkaysan waayay illaa uu si caam ah uga jawaabo.

Biixi ayaa odayaasha beesha dhashay waxa uu kala soo dhex hadlay xerada ciidamada booliska Somaliland, iyadoo lagu bartay in madaxweynaha Somaliland uu arimaha siyaasadda kaga soo hadlo marka uu joogo xeryaha ciidamada.

Beesha Garxajis ayaa dhawaan ku dhawaaqday in aan deegaanada ay degto laga qaban karin doorasho aan ahayn doorashada madaxtooyada ee Somaliland.

Somaliland waxa ka taagan khilaaf siyaasadeed oo culus oo saameeyay dhan walba oo bulshada ah, lagana cabsi qabo in uu isku bedelo dagaalo sokeeye.

Comments are closed