Dawlada Soomaaliya oo ka warbixisay weeraro ka dhan ah Al Shabaab
Muqdisho October 24,2022 (QJ) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlgallo ay iska kaashadeen NISA iyo saaxiibadooda caalmiga ah oo dhacay 48 saac ee la soo dhaafay lagu laayay saraakiil ka tirsan Al-shabaab, laguna burburiyay gaadiid u siday saanad ciidan iyo walxaha.
Dawlada ayaa intaa ku dartay in hawgaladu ka dheceen deegaanka Masaajid Cali-guduud iyo Bur-colow oo sidoo kale loo yaqaano Doolile oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.
Hawlgal la fuliyay Sabtidii 22-kii October waxaa lagu beegsaday garaash iyo guri ay ku shirayeen xubno sar-sare iyo dagaalamaayal ka tirsan Al-Shabaab.
Waxaana kale oo ay sheegtay dowladda Soomaaliya in hawlgalkaa lagu dilay 21 ka tirsan AL-Shabaab, oo uu ku jiro xubin ay magaciisa ku sheegeen Cabdullaahi Cali Caraale.
Hawlgalka kale oo isna dhacay shalay galab waxaana laga fuliyay nawaaxiga magaalada Masaajid Cali-Gaduudd waxaana lagu dilay 11 ka tirsan AL-Shaab waa sida ay sheegtay Dowladda Soomaaliya.
Hawlgal kale oo xalay la qaadayna waxaa uu ka dhacay deegaanka Bur-coloow oo farriisan weyn u ahayd Al-Shabaab, waxaana goobta la weeraray ku sugnaa kooxda jabhada oo uu hogaminayay Masuul ka tirsan AL-Shabaab oo magaciisa ay dowladdu ku sheegtay Muscab Cabdulle Saneey.
Weeraradan ayaa imanaya xili dawlada, shacab hubeysan iyo saaxiibo caalemi ahi ay iska kaashanayaan dagaal ka dhan ah Al Shabaab.