|

Maxamuud Xaashi oo weli quud-darraynaya xisbigii laga cadyhiyay ee Kulmiye

Hargeysa. 19 October, 2022. (QJ)- Siyaasiga Maxamuud Xaashi ayaa weli quud darraynaya ama rejo ka qaba xisbigii laga caydhiyay ee Kulmiye oo hadh cad laga saaray, iyadoo hadalo deel qaaf ah loogu dhiibo afhayeenka xisbiga Kulmiye, Buuni.

Maxamuud Xaashi ayaa la sheegayaa in aanu ku niyad samayn ururka KAAH ee uu furtay kaas oo imikaba la sheegay in uu shuruudaha qaar jabiyay lana saadaalinayo in uu ku hadho wareega madax taabashada ee ururada siyaasadda Somaliland.

Ninkan laga eryay xisbiga Kulmiye ee mar hadana isagu dib ugu noqday ayaa naawilaya shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye oo algu dooran doono hogaanka xisbiga kaas oo la filayo in uu qabsoomo bilaha soo socda, wuxuuna rabaa in uu cidhiidhsado kursi mar horeba loo xidhay siyaasiga kale ee Maxamed Kaahin oo ay isku qoys yihiin.

Lama oga rejada uu Maxamuud ka qabo Muuse Biixi oo xataa mar ku tilmaamay “tuug umadda dhacay” iyadoo dad badani ay la yaaban yihiin waxa u yaala Kulmiye.

Comments are closed