Mareykanka oo shakhsiyaad Soomaali ah oo lagu daray liiska argagixisada caalemiga ah
Washington October 19,2022 (SD) – Mareykanka ayaa maanta shaaciyay xayiraad dhanka maaliyadda ah oo ay ku soo rogtay shabakad qaabilsan fududeynta dhaqaalaha Al-Shabaab.
Kaaliyaha Xoghayaha Sirdoonka Maaliyadda Mareykanka Brian E. Nelsonee ayaa sheegay in Maraykanku qaadday tillaabo ka dhan ah hub iyo dhaqaale-ururinta ee al-Shabaab ee Geeska Africa.
Xubnaha Maanta xayiraad la saaray waxa ka mid ah:
· ABDULLAHI JEERI – oo la sheegay in uu si qarsoodi ah hubka ugu geeyo Al-Shabaab.
· KHALIF ADALE – oo lagu tilmaamay inuu Al-Shabaab u qaabilsan yahay inuu lacagaha uga soo aruuriyo hay’adaha aan dowliga ahayn.
· HASSAN AFGOOYE – oo lagu sheegay hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab, kormeerna ku sameeya laamaha maaliyadda. Mareykanka ayaa ninkan madaxiisa dul dhigay $5 milyan.
· ABDIKARIM HUSSEIN GAGAALE – oo lagu sheegay in uu soo noqday ku xigeenka madaxa qeybta maaliyadda ee Al-Shabaab, kana soo hoos shaqeeyay Mahad Karate.
· ABDI SAMAD – oo lagu tilmaamay xubin ka tirsan Al-Shabaab oo xiriir dhow la leh Golaha sare ee kooxda.
· ABDIRAHMAN NUREY – oo lagu qeexay in uu yahay isku xiraha Al-Shabaab iyo shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay.
Saddex qof oo ka kooban shabakad qaabilsan kala gudbinta hubka oo magacyadoodu ka la yihiin: Mohamed Hussein Salad (Salad), Ahmed Hasan Ali Sulaiman Mataan (Mataan), iyo Mohamed Ali Badaas (Badaas).
Al-Shabaab ayaa sanadkii soo xaraysa ku dhawaad 100 milyan oo doolar oo canshuur ahaan uga qaadaan ganacsatada iyo dadka deegaanka.