|

Beesha Garxajis oo shirkii Burco iclaamisay

Hargeysa. 16 October, 2022.(QJ)- Salaadiin iyo madax dhaqameed kasoo jeeda beelwaynta Garxajis ayaa maanta Hargeysa kaga dhawaaqay shir ballaadhan oo ay iskugu imanayso beeshu.

Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar oo ka mid ah salaadiinta beesha ayaa ku dhawaaqay wakhtiga shirka. Suldaanku wuxuu hore ula socday Wasiir Siciid Sulub balse salaadiinta beesha ayaa ku guulaystay in uu qaato aragtiyaha mucaaradka.

25 bishan October oo ah Salaasada danbe ayaa la iclaamiyay in shirku uu ka qabsoomo magaalada Burco er xarunta gobolka Togdheer.

Shirkan ayay qaban qaabadiisu maalmahanba ka socotay magaalada Hargeysa iyo Guud ahaan Somaliland.

Ujeedada koobaad ee shirkan ayaa ay meesha ay beesha Garxajis u jihaysanayso kadib doorashada madaxtooyada oo wakhtigeeda dhaaftay.

Comments are closed