Muuse Biixi oo weli haysta xoghayihiisii Mubarik Taani
Hargeysa. 15 October, 2022. (QJ)- Madaxweynaha Somaliland ayaa la sheegayaa in weli uu ku dheganyahay xoghayihiisii gaarka ahaa oo shaqada baneeyay bishii aynu soo dhaafnay.
Muuse Biixi ayaa tolka Mubarik Taani u sheegay in ay dalka kusoo celiyaan si loogu sameeyo baadhitaan dhanka musuqa ah oo uu madaxweynuhu ku eedeeyay.
Xogo aanaan xaqiijin karin illaa imika oo Qurbejoog heshay ayaa muujinaya in Muuse Biixi uu xidhay caaqilka jufada Mubarik Taani, isagoo ka raba in ay dalka keenaan. Weli si madax banaan xog tan uma xaqiijin karno.
Muuse Biixi ayaan rabin Mubarik Taani uu ka tago isagoo aan marna raali ka ahayn, balse Taani ayaa ka diiday oo ka jaqaafiyay Biixi.
Mubarik Taani wuxuu lasoo shaqeeyay madaxweynaha 5tii sanno ee uu talada hayay iyo mudadii uu ahaa murashaxa madaxweynaha Kulmiye.
Muuse Biixi wuxuu ku eedeeyay xoghayihiisii hore in uu lunsaday adduun badan oo malaayiin gaadhaysa.
Si kastaba ha ahaatee, Mubarik Taani ayaa dhaqan xumo, cago juglayn iyo culaysyo kala kulmayay Muuse Biixi mudadii uu la shaqaynayay. Imika wuxuu tegay dalka Ingiriiska oo uu ka bilaabay shahaadada heerka sare ee jaamacadda.