|

Ujeedada safarka Raysalwasaaraha Soomaaliya ee Itoobiya

Muqdisho. 13 October, 2022. (QJ)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ka sagootiyay Xubno katirsan Golaha Wasiirada Soomaaliya halka Wasiiro kale iyo la taliyeyaal ay qeyb ka yihiin safarkiisa.
Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Farxaan Jimcaale oo faah faahin ka bixiyay safarka ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdiga la socda ay dalka Itoobiya kaga qaybgali doonaan shirka caalamiga ee Madasha Tana oo lagaga hadlayo Amniga Qaaradda Afrika.

Sidoo kale wuxuu sheegay in kulanka lagaga hadli doono sidii looga hortegi lahaa khatarta kusoo wajahan Qaarada Afrika, isla markaana Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeedin doona shirka uu kaga hadli doono dhibaatooyinka xaga amniga ee ka jira Somaaliya.

Ugu dambeyn Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Farxaan Jimcaale wuxuu sheegay in Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ay kulamo doceedyo kala duwan la qaadan doonaan mas’uuliyiinta iyo madaxda kale ee ka qeyb galeysa shirka.

Comments are closed