|

Booliska Somaliland oo qabtay haweenay tacadiyo u gaysatay gabadh yar gudaha Hargeysa

Hargeysa. 13 October, 2022. (QJ)- Ciidamada Booliska Somaliland ayaa maanta sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen haweenay laga dhex arkayay muuqaal Baraha Bulshada qabsaday oo ah gabadh yar oo ay garaacayso gudaha magaaalda Hargeysa.

War kasoo baxay booliska ayaa lagu yidhi:

“Ciidanka Booliska JSL ayaa hawl-gal ay saaka Saladii subax sameeyeen gaar ahaan Saldhiga New Hargeysa waxa ay gacanta kusoo dhigeen haweenay ku eedaysan in ay jidh-dil u gaysatay gabadh yar oo gurigeeda kula noolayd, taasi oo ciidanka Boolisku ka war heleen kaddib markii ay arkeen Muuqaallo muujinaya jidh-dilka loo gaystay ilmaha yar oo lala soo wadaagay.

Xogta haweenaydan oo xalayba ay ciidanku heleen ayaa saaka waxa u suurtogashay in ay soo kasoo qabtaan Gurigeeda oo ku yaalla Xaafadda Daami ee magaalada Hargeysa iyada iyo gabadha yar ee ay jidh-dilka u gaysatay.

Ciidanka Booliska ayaa haatan gacanta ku haya gabadha yar ee jidh-dilka loo gaystay, iyadoo baadhitaano dheeraad ah ay ciidanku ku sameyn doonaan kiiskan.

Haweenaydan iyo gabadha yar ayaa ah Walaalo, sida ay ciidanka u sheegtay gabadha yari, iyadoo waalidka ilmaha yari ay degan yihiin magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.

Dhanka kale, ciidanka Boolisku waxay shacbiweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uga digayaan falalka noocan oo kale ah, iyadoo ubadka yaryar ee Guryaha lagu haystana ay ciidanku il gaar ah ku eegi doonnaan xaaladdooda.

Boolisku waxay shacabka Somaliland uga mahad-celinayaan xogaha qorsoon ee mar walba ay la soo wadagaan, waxaanan u sheegaynaa bulshada in kiiskan iyo kuwa lamid ahba ay la wadaagi doonnaan marka ay baadhistiisu dhammaato.”

Comments are closed