|

Gudoomiyihii deegaanka Qoryoolay ee Soomaaliya oo la dilay

Muqdisho. 11 October, 2022. (QJ)- Wararka ka imanaya gobolka Shabeelada Hoose ee Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in Qarax lagu dilay gudoomiyihii degmada Qoryooleey.

Sida wararku sheegayaan, Qaraxa lagu dilay gudoomiye Sayid Cali Ibraahim oo ahaa Miino nooca dhulka la galiyo ayaa ka dhacday goob uu gudoomiyaha ku sugnaa waxaana la geeriyooday mid kamid ah ilaaladiisa, sida goob joogayaal ay ku waramayaan.

Madaxtooyada Koofur Galbeed oo xaqiijisay dilka gudoomiyihii Qoryooleey ayaa dhinaca kale tacsi u dirtay qoyska uu ka baxay marxuumka, iyagoo ku sifeeyay inuu ahaa shaqsi ay ka go’antahay in Shabaab dalka laga xoreeyo.

Si kastaba ha ahaate, Kooxda Al-Shabaab ayaa durba sheegatay mas’uuliyada qaraxan, wuxuuna weerarkan ku soo beegmayaa bilo kadib markii Shabaab ay qarax ku dileen gudoomihii degmada Marko ee gobolka Shabeelada Hoose.

Comments are closed