Muuse Biixi oo daahfuray mashruuc ma-dhalays ah oo Hargeysa ka oomantahay
Hargeysa. 10 October, 2022. (QJ)- Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta daah furay wejiga labaad ee wax lagu sheegay biyo ballaadhinta Hargeysa, iyadoo caasimaddu biyo la’dahay intii ay Somaliland jirtayba marka laga tago degmooyinka 26 June iyo Ibraahim Koodbuur oo biyaha ugu badan ee Hargeysa hela.
Muuse Biixi ayaa xadhiga ka jaray mishiino yaalay Geed-deeble muddo sanado ah kuwaas oo sawiro badan lagu galay 7 dii sanno ee lasoo dhaafay, balse aan marna wax faa’iido iyo biyo ah u keenin Hargeysa.
“Maxaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ammaanay cid kasta oo ka qayb qaadatay in dib-u-ballaadhinta Hargeysa guul laga gaadho, isaga oo si gaar ah carrabka ugu dhuftay hay’adaha kala duwan ee dawladda ee hawshan ku lugta leh, waxana uu yidhi,“Waxan u mahadnaqayaa dhammaan hay’adda dawladaha ee ka qaybqaatay mashruucan oo faro badan, waxan ammaan u soo jeedinayaa hawlwadeennada wasaaradda biyaha oo hoggaamin la dul joogay wakaallada biyaha, waxana u mahadnaqayaa wakaaladda biyaha iyo maareeyahooda oo dedaal badan sameeyey si hawshan loo hirgeliyo.” Ayaa lagu yidhi war kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.
Shacabka Hargeysa ayaa la yaaban xafladaha is daba jooga ah ee Mashruuca Biyaha Hargeysa iyadoo tan iyo sanadkii 2010 oo xukuumadda Kulmiye timi shacabka loo sheegayay in Hargeysa biyo helayso.
Lama oga illaa hadda inta ay qaadanayso in Hargeysa ay biyo ku filan hesho arintaas oo khubarada biyuhu ay sheegayso in aanay dhacayn maalmaha dhow, illaa daacad laga noqonayo mashruuca biyaha oo la musuqay xili lagu bixiyay adduun ka badan $70 billion.