Shir Burco ka dhacaya oo ay iskugu imanayso beesha Garxajis
Hargeysa. 4 October, 2022. (QJ)- Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer waxa ka socda abaabul xoogan oo lagu qaanayo shir ballaadhan oo ay iskugu imanayaan beesha Garxajis, iyadoo lagaga arinsanayo tallaabada ay kaga jawaabayaan muddo kordhinta Muuse Biixi.
Shirkan waxa kasoo qay gali doona cuqaal, salaadiin, wax garad iyo hal door kale oo laga soo xulayo dhammaan deegaanada beesha inta laga gaadho.
Xogoha ay Qurejogo heshay waxay intaa ku darayaan in shirkan kadib ay warbaahinta la hadli doonaan madaxda dhaqanka iyo haldoorka kale ee kasoo qayb gali doona.
Muhiimadda shirkan ayaa ah in beesha Garxajis oo kursiga madaxtinimada Somaliland rabta doorkan ay go’aan ka gaadho tallaabada ay qaadayso iyadoo la tashiyo laga samayn doono arintaa, isla markaana la fulin doono waxa la isla qaato.
Lama oga in xukuumadda Somaliland ay carqaladayn doonto iyo inkale, iyadoo Muuse Biixi aanu imika niyad sami ku dareemahayn muddo kordhinta oo uu naawilayo tallaabooyinka mucaaradka ka yimaada oo uu ku go’aan qaadan doono isaga laftiisu.