Baarlamanka Maraykanka oo laalaya xeerkii iskaashigii Somaliland
Hargeysa. 4 October, 2022. (QJ)- Aqalka Baarlamanka ee dalka Maraykanka oo ka kooban Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida ama Koongareeska iyo Sennedka ayaa imika bilaabay in uu laalo xeerkii taageerayay iskaashi madax banaan oo dhex mara Somaliland iyo Maraykanka.
Warbaahinta Qurbejoog ayaa ogaatay in dawladda Soomaaliya ay ka shaqaysiisay shirkado badan oo Somaliland kala dagaalama gudaha waddanka Maraykanka, si aan qadiyadda Somaliland guul uga helin masraxdyada Maraykanka. Safarkii Xasan Sheekh ee Washington ayaa sidoo kale arintan ka shaqeeyay.
Dhanka kale, Maraykanka ayaa ka cadhaysan tallaabooyinka xukuumada Muuse Biixi ee cabudhinta warbaahinta, doorashada oo aan la qabanahayn, dadka la xidh xidhayo iyo sharciyadda la laalay, taas oo Maraykanku uu ku sifeeyay mid aan Somaliland meel gaadhsiinahayn.
Weli xukuumadda Muuse Biixi kamay hadal arintan la filayo in rasmi ah loo ogaado maalmaha soo socda.