|

Mucaaradka Somaliland oo si adag u diiday muddo-kordhinta Muuse Biixi

Hargeysa. 2 October, 2022. (QJ)- Isbahaysiga Mucaaradka Somaliland ayaa si adag uga soo hor jeedsaday muddo kordhinta Loo sameeyay xukuumadda Muuse Biixi, iyaga oo ku tilmaamay sharci daro.

Labada murashax ee madaxtinimada Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro ayaa warbaahinta si kala gaar ah Hargeysa ugala hadlay Axadda maanta, iyadoo caddeeyay in 13 November wixii ka danbeeya aanay aqoonsanayn Muuse Biixi.

“Maanta Umadda Somaliland ayaan weydiineynaa miyey jirtaa dhibaatada amni darro, iyo qalaalasaha xasilooni la’aaneed ee dalkeenna aan loo qaban karayn Doorashadii Madaxtooyada?

Mayee ma jirto oo dhammaanteen waan wada ognahay midhkaas, balse waa badheedh iyo xil-gudasho la’aan loo kasay oo lagu xalaaleysanyo in Kursigii Umadda ka dhaxeeyey lagu sii heysto hab xaaraan ah oo aan waafaqsaneyn sharcigii iyo Dastuurkii lagu heshiiyey.

Xisbiga WADDANI muddo xileedka Sharciga ah ee Madaxweynaha Somaliland waxa uu u aqoonsan yahay in ay ku egtahay 13ka November 2022,

Wixii mudaddaas ka dambeeya Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa uma aqoonsan doono kuwa sharciyad ku fadhiya.” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.

Comments are closed