|

Muuse Biixi oo la shiray Reer Berbera iyo qaylo-dhaan kale oo uu u sheegay

Hargeysa. 22 September, 2022. (QJ)- Madaxweynaha Somaliland ayaa mar kale beesha uu kasoo jeedo kula shiray magaalada Berbera, gaar ahaan wuxuu markan la shiray beesha Ciise Muuse ee ay Habar Awal isku yihiin beesha Sacad Muuse ee madaxweynuhu ka dhashay.

Kulanka oo albaabadu u xidhnaayeen ayaa daba socday laba kulan oo hore oo ka dhacay Gabiley, kuwaas oo madaxweynuhu la yeeshay madax dhaqameedka iyo dhalinyarada beeshiisa.

Berbera iyo Gabiley waxay noqdeen labada magaalo ee kaliya ee madaxweynaha Somaliland kulamo gaar ah la yeeshay dadkooda isagoo safar kusoo maray 5 ka mid ah 6-da gobol ee Somaliland ka kooban tahay. Madaxweynuhu dadka kale kaliya khudbado ayuu u jeediyay.

Muuse Biixi wuxuu Reer Berbera iyo beeshiisa gaadhsiiyay dhambaal uu Mid la Mid ah dhigay Gabiley oo odhanaya “waxa la igu diidan yahay reernimo waxaana lagu socdaa khayraadka aad haysataan ee i difaaca oo fadhiga ka kaca.” Biixi wuxuu ku dheeraaday oo uu xoqay kaadhka ah in Baarlamanku jarayaan sad bursiga dhanka cashuurta ee Berbera ay hesho, isagoo ugu baaqay in ay is difaacaan, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Madaxweyne Biixi wuxuu intaa ku daray in cudud uu uga baahan yahay beesha Berbera goor walba, isaga oo aan kalsooni ku qabin ciidamada qaranka marka la eego hadaladiisa kulamada uu beeshiisa Habar Awal la lahaa.

Kulamadan qarsoodiga ah ayaa caddayn u ah heerka xun ee siyaasadda Somaliland gaadhay iyo meesha ay ku socoto oo madaxweynuhu uu diyaar u yahay hadii rabitaankiisu shaqayn waayo uu wax walba diyaar u yahay dirir iyo danba.

Comments are closed