Dilka 27 Shabaab ah oo Maraykanku uu sheegtay iyo qaabka loo dilay
Muqdisho. 21 September, 2022. (QJ)- Deegaanka Buulaburte ee gobolka Hiiraan ee badhtamaha Soomaaliya ayay diyaaradaha Maraykanku duqaymo ka fuliyeen, iyagoo sheegtay dilka Tobanaan ka tirsan kooxda alShabaab.
Bayaal kasoo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaano AFRICOM, ayaa lagu sheegay in duqayntan lagu dilay 27 katirsan dagaalamayaasha Alshabaab.
Marayanka wuxuu sheegay inuu duqayntan ku taageerayay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka oo dagaal kula jira dagaalamaayasha Al-Shabaab.
Wuxuu sheegay duqayntu inay tahay mid ciidamada Soomaaliya iyo kuwa ATMIS ka caawinaysa inay dagaalka hore usii wadaan.
Maraykanka ayaa sheegtay in wax khasaare ah oo shacabka kasoo gaadhay aanu jirin.
Weli ma jiro war kasoo baxay dhanka alShabaab.