|

Laba mooshin oo madaxweynaha iyo gudoomiyaha Wakiilada ka dhan ah oo la abaabulayo

Hargeysa. 20 September, 2022. (QJ)- Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland waxa mar kale laga dareemayaa xiisad siyaasadeed oo culus iyo abaabulka mooshino isku lid ah.

Laba mooshin oo mid ka dhan yahay madaxweynaha iyo ka kale oo ka dhan ah gudoomoyaha Wakiilada ahaa hadda la abaabulayaa. Xildhibaanada mucaaradka Somaliland taabacsan ayaa iyagu raba in ay madaxweynaha maamuuska ka xayuubiyaan halka xildhibaanada xukuumadda taabacsan ay iyguna rabaan in gudoomiyaha Golaha Wakiilada xilka laga qaado.

Arintan ayaa ka dhalatay xeerka ay kaabista ku sameeyeen Golaha wakiiladu ee ahaa in doorashooyinka ururada iyo madaxweynaha hal mar la wada qabto.

Comments are closed