Golaha Wakiilada Somaliland oo ansixiyay doorasho isku-sidkan oo dalka ka dhacda
Hargeysa. 19 September, 2022. (QJ)- Golaha Wakiilada Ee Somaliland ayaa maanta ansixiyay mooshin kaabis iyo wax ka badal loogu sameeyay Xeer n.14 oo ah xeerka muranka badani ka taagnaa ee aan hore u qeexayn doorashada ururada ee Somaliland.
Golaha Wakiilada ayaa xeerka ku daray in la qabto doorasho isku sidkan oo ah doorashada Madaxtooyada iyo Doorashada Ururada iyadoo si toos ah loo qabanayo labadaba isku mar, arintaas oo u baahan meel marinta Guurtida iyo saxeexa madaxweynaha.
Madaxweynaha Somaliland oo inta badan ku ololeeya sharciga iyo in uu raacayo ayaan la ogayn waxa uu ka odhan doono xeerkan cusub oo sharci ah ama kaabista lagu sameeyay xeerkaas.
Arintan ayaa soo af jari karta khilaafka Somaliland ka taagan ee laga cabsi qabo in uu dagaalo isu bedelo, balse waxa weli shaki ku jirta in uu madaxweynuhu diidi doono saxeexa ama Guurtida odhanayo is hor taaga, taas oo hadii ay dhacdo meesha ka saaraysa doodii madaxweynaha ee “Waxaan ilaalinayaa sharciga.”