|

Ma ogtahay in madaxweynaha Somaliland aanu dhex marin magaalada Burco mudadii uu joogay

Hargeysa. 18 September, 2022. (QJ)- Madaxweynaha Somaliland ayaan dhex marin magaalada Burco mudadii uu joogay magaalada iyo guud ahaan gobolka Togdheer, iyadoo la marinayay wadooyinka ka leexanaha badhtamaha magaalada iyo aaga Zero-ga loo yaqaano ee Burco.

Tusaale ahaan maalintii ugu horaysay madaxweynaha waxa ay dad lasoo abaabulay kaga hor tageen deegaanka Qoyta iyadoo markii ay soo galeen magaalada Burco ka leexday afaafka ama wadada lagasoo galo magaalada una jihaystay dhanka madaxtooyada oo aan ahayn badhtamaha iyo meesha ay dadka mudaharaadayay ugu diyaarsanaayeen.

Si la mid ah, markii uu madaxweynuhu kasoo laabtay magaalada Oodweyne masoo dhex marin wadada caanka ah ee wadnaha magaalada, isagoo ka wareegay  wadada Nafaqo. Wuxuu iskaga gudbay wadooyinka Nafaqo, Sayladda, Jarmalka illaa Dawladda Hoose. Waxa xusid mudan in wadada wadnaha ay jireen dad badan oo ugu diyaarsanaa in ay ku mudaharaadaan.

Somaliland waxa ka taagan xiisadda ka dhalatay damaca madaxweynaha ee ah xisbiyada mucaadka ah oo uu meesha ka saaro.

Comments are closed