|

Muuse Biixi oo diiday in uu la kulmo haldoorka Togdheer iyo sababta

Hargeysa. 18 September, 2022. (QJ)- Madaxweynaha Somaliland ayaa diiday in uu la kulmo madax dhaqameedka iyo haldoorka gobolka Togdheer oo si gaar gaar ah ula shiro, sidii uu sameeyay gobolada kale ee uu soo maray ee galbeedka Somaliland.

Muuse Biixi ayaa si gaar gaar ah ula shiray wax garadka iyo odayaasha gobolada galbeedka, iyagoo yeeshay shirar ay albaabadu u xidhnaayeen iyo is xog waraysiyo kala duwan. Shacabka Togdheer ayaa iyaguna rajaynayay in ay si gaar ah ula kulmaan balse wuu ka diiday.

Madaxweyne Biixi ayaa door biday in uu si guud ula hadlo dadka Reer Burco iyo Togdheer isagoo uga khudbadeeyay Madaxtooyada Togdheer.

Sababta ugu wayn ayaa lagu sheegay waji gabaxii uu madaxweynaha Somaliland kala kulmay gobolka Togdheer iyo mudaharaadadii lagu diidanaa ee ka dhacay gudaha magaalada Burco.

Muuse Biixi ayaa tagi doona magaalada Laascaanood halkaas oo uu la kulmi doono dadka deegaanka.

Comments are closed