Dawlad ku-meel-gaadh ah iyo abaabulka jabhado ka socda gudaha Somaliland
Hargeysa. 17 September, 2022. (QJ)- Is-bahaysiga Mucaaradka Somaliland ayaa qorshaynaya in ay dhisaan dawlad ku meel gaadh ah oo madaxweyne uu ka noqon doono Eng Faysal Cali Xuseen (Waraabe), gudoomiyaha xisbiga UCID oo labaatankii sanno ee lasoo dhaafay u taagnaa xilka ugu sareeya Somaliland ee madaxweynenimo.
Abaabulka dawladan iyo qaabka ay noqonayso ayaa ka socda gudaha Somaliland iyadoo ay jriaan la tashiyo badan iyo kulamo ay mucaaradku la leeyihiin qaybaha kala duwan ee bulshada, si ay taageero buuxda uga helaan guud ahaan shacabka Somaliland oo imika u dheg taagaya go’aanka mucaaradka.
Faysal Cali Waraabe ayaa isagu ku niyad san isla markaana balan qaaday in uu hogaamin doono dawladdaas isla markaana madaxweyne ka noqon doono isaga oo Hargeysa jooga, balse lama oga natiijada go’aankan oo ah mid qadhaadh.
Dhanka kale, beelaha bariga Somaliland dega ayaa wada dhaq dhaqaaqyo milatari oo ay kaga soo hor jeedaan xukuumadda Muuse Biixi, iyadoo is hubaynta laga dareemayo deegaano badan.
Jabhadahan ayaa badi lagu dhawaaqi doonaa marka ay gaadho maalinta doorashada madaxtooyadu ku astaysan tahay, iyadoo imika la xeerinayo in Muuse Biixi wakhtigiisa rasmiga ah dhammaysto si aanay beesha uu kasoo jeedaa ugu arkin in beel ahaan loo diidan yahay balse loo arko talo-diidnimada Muuse Biixi.