Muuse Biixi oo Oodweyne mar kale ka sheegay in Doorashada Ururada la galayo
Hargeysa. 16 September, 2022. (QJ)- Madaxweynaha Somaliland ayaa mar kale ku celiyay go’aankiisa khilaafka wayn dhaliyay ee ah doorashada ururada siyaasadda oo kasoo horaysa doorashada Madaxtooyada, isagoo ku adkaystay go’aankaas.
Muuse Biixi oo shacabka Oodweyne maanta la hadlay ayaa xusay in imika loo diyaar garoobayo doorashada ururada intaas wixii ka danbeeyana uu diyaar u yahay doorashada madaxtooyada, isagoo sii raaciyay goorta ay suurta gasho, hadalkaas oo dadka wax falanqeeyaa ay siyaabo kala duwan u macneeyeen.
Shacabka Oodweyne ayaa maanta mudaharaad kala hor tagay madaxweynaha iyaga oo la arkayay ciidamada ammaanka oo hor taagan shacabka si ay uga celiyaan soonaha uu madaxweynuhu ku sugnaa, maadaama ay magaaladu kooban tahay.
Muuse Biixi ayaa qorshahiisa koobaad yahay in uu meesha ka saaro xisbiyada imika jira gaar ahaan UCID iyo Waddani arintaas oo qiime kasta oo ay ku joogto uu samaynayo, sida ay Qurbejoog u xaqiijiyeen ilo u dhow Madaxtooyada Somaliland, si dadbanna uu madaxweynaha laftiisu u sheegay isagoo Ceerigaabo ka sheegay in xisbiyada soo baxa ee cusubi ay la tartami doonaan isaga.
Hubanti la’aan wayn ayay Somaliland wajahaysaa iyadoo laga cabsi qabo waxa dhici kara kadib 13 bisha November ee sanadkan 2022 oo ku mudaysan Doorashada Madaxtooyada Somaliland.