Ciidamadii ugu badnaa oo Muuse Biixi Burco u galbinaya iyo dad aan deegaanka ahayn oo la gaynayo
Hargeysa. 14 September, 2022. (QJ)- Ciidamo tiro badan oo ku qalabaysan hubka noocyadiisa kala duwan ayaa la socda madaxweynaha Somaliland oo magaalada Burco gaadhaya maalinta Khamiista, sida qorshuhu yahay iyadoo ciidamadani ay u badan yihiin ciidamada gaarka ah ee koofiyad-casta loo yaqaano waxaana safarka ku wehelinaya taliyaha Ciidamada Qaranka Nuux Taani.
Magaalada Berbera ayaa lagu arkayay ciidan tiro badan oo hub culus wata halka hubka qaarkii ay dadeen ciidamadu si aan loo arag, lamana oga sababta keentay cabsida intaas le’eg xili madaxweynaha Somaliland uu meel walba ka sheego in dalku ammaan yahay.
Dhanka kale, dad aan ahayn deegaanka Burco ayaa la gaynayaa magaalada Burco iyo deegaanada madaxweynuhu sii marayo si ay usoo dhaweeyaan.
Qurbejoog ayaa ogaatay in gadiid badan loo diyaariyay dad laga daabulayo Berbera oo la gaynayo Burco si Muuse Biixi ay usoo dhaweeyaan, waxaana hawshan wada kooxaha u dhow madaxweynaha Somaliland ee Heegada lagu naanayso.
Muuse Biixi ayaa ka cabsi qaba in aan lagusoo dhawayn magaalada Burco oo aanu taageero ku haysan waxaana u diyaarsan shacab gadood kala hor tagaya iyo mudaharaad.