Qorshaha Muuse Biixi ee inta uu Berbera joogo iyo Khamiista oo uu Burco ku wajahan yahay
Hargeysa. 14 September, 2022. (QJ)- Madaxweynaha Somaliland ayaa safar ugu baxay gobolada Saaxil iyo Togdheer isagoo qorshayaal kala duwan leh, kana bilaabmaya magaalada Berbera ee gobolka Saaxil.
Muuse Biixi ayaa xadhiga ka jaraya qaybo cusub oo dekedda Berbera ay ka hir galisay shirkadda DPWorld, iyadoo uu booqan doono maalinta berri ah sida qorshuhu yahay. Madaxweynaha ayaa sidoo kale tegaya Aaga Cashuuraha Ka Caagan oo DPWorld ay ka hir galisay duleedka magaalada Berbera gaar ahaan dhanka wadada Hargeysa tagta oo aanay ka fogayn laamida dheer ee xidhiidhisa Hargeysa iyo Berbera, halkaas oo ah aag cusub oo dhismaha weli qayb la wado. Biixi ayaa sidoo kale kulamo la leh madaxda dhaqanka, wax garadka iyo dhalinyarada Berbera oo Arimaha ay ka wada hadlaan aanu ku daabici doono Qurbejoog inta madaxweynaha joogo Berbera.
Intaa ka dib, Muuse Biixi wuxuu u jihaysanayaa magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, iyadoo si wayn isha loogu hayo waxa uu kala kulmo Burco maadaama mudaharaad laga qaban qaabinayo magaalada.