Maxay ka wada hadleen Xasan Sheekh iyo William Ruto oo Nairobi ku shiray
Nairobi. 14 September, 2022. (QJ)- Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku kulmay magaalada Nairobi ee caasimadda waddanka Kenya, kadib Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo saarka William Ruto.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay in labada Madaxweyne ay isla qaateen qodobbo xoojinaya iskaashiga amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee labada dal.
Madaxtooyadu waxay xustay in madaxdu isla garteen in la sii amba-qaado heshiisyada fududeynta socdaalka, dhiirri-gelinta dhaqaalaha iyo maalgashiga, dagaalka ka dhanka argagixisada, isbeddelka cimilada iyo saboolnimada.
Warka kasoo baxay madatxooyada Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya saacado kadib markii madaxtooyada dalka Kenya ay sheegtay inay labada madaxweyne kawada hadleen arrimaha amniga iyo ganacsiga Qaadka Miirooga.