Xogta mudaharaad laga la hor tagayo Muuse Biixi maalinta Khamiista iyo Burco
Hargeysa. 13 September, 2022. (QJ)- Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer waxa ka socda abaabul xoogan oo lagu qabanayo dibad bax laga la hor tago madaxweynaha Somaliland oo ku wajahan magaalada Burco maalinta Khamiista ee todobaadka danbe.
Muuse Biixi ayaa qaatay go’aanka ah Burco oo uu kaga qayb galo qalin jabinta jaamacadda Burco, walaw uu wajahayo weji gabax baaxad leh iyo magaalo aan laga jeclayn hogaamintiisa shantii sanno ee lasoo dhaafay. Dadka qaar ayaa saadaalinayay in Muuse Biixi ka baaqan doono safarka Burco maadaama oo aanu taageero ku haysan.
Qurbejoog ayaa ogaatay in labada daamood ee magaalada Burcoba ay ka socdaan qaban qaabada sidii loo moojin lahaa heerka diidamada dadka ee xukuumada Muuse Biixi, waxaana ay dadku kala hor tagi doonaan madaxweynaha siidhi iyo mudaharaad iyagoo weedho ku muujin doona dareenkooda, sida aanu xogaha ku helnay.
Lama oga in uu dhulka mari doono iyo in uu raaci doono diyaaradda kooban ee dhawaan duulimaadyada ka bilowday garoonka boodhka ah ee magaalada Burco oo aan lahayn wax runway ah iyo terminaalada dadku ka dhoofaan ama kasoo degaaan.
Shacabka Somaliland ayaa u dheg taagaya maalinta Khamiista iyo magaalada Burco iyo waxa uu la kulmo madaxweynaha Somaliland oo muddooyinkii danbe waji gabax kala kulmayay magaalooyin badan, halka magaalooyin ay Gabiley ku jirto dadka sameecado loogu baaqayay si ay madaxweynaha usoo dhaweeyaan.