|

Muuse Biixi oo ka cabsi qaba tegista qalin-jebinta Jaamacadda Burco ee Khamiista

Hargeysa. 11 September, 2022 (QJ)- Madaxweynaha Somaliland ayaa la sheegayaa in uu aad uga cabsi qabo isla markaana ka werwersan yahay ka qayb galka qalin jabinta ardayda dhammaysatay Jaamacadda Burco, kuwaas oo la filayo in ay qalin jabiyaan 15 September.

Waa maalinta Khamiista ee todobaadkan iyadoo ay ilo xog ogaal ah noo xaqiijiyeen in Muuse Biixi aanu rabin tagitaanka Burco, balse waa tijaabo hor taala sida uu ugu xaq sooro jaamacadaha dawladda ee dalka isagoo kasoo qayb galay jaamacadda deegaankiisa Gabiley ee Timacade.

Biixi ayaa ka cabsi qaba mucaaradad iyo waji gabax uu kala kulmo magaalada labaad ee Somaliland ee Burco oo ah meeshii qaranka lagaga dhawaaqay balse aanu taageero ku haysan imika.

Xogo aanu ka helnay magaalada Burco ayaa sheegaya in magaaladu gaar ahaan dhalinyaradu ay diyaar u tahay siidhi iyo mudaharaad laga la hor tago Muuse Biixi hadii uu Khamiista Burco tago oo uu go’aankaas qaato.

Somaliland waxa ka taagan xiisad culus oo ka dhalatay doorashada ururada oo madaxweynuhu uu rabo in uu qabto hada si xisbiyo cusub ula tartamaan isaga.

Comments are closed