|

Dhaq-dhaqaaqyada maaliyadeed oo istaagay gudaha Somaliland iyo sababta

Hargeysa. 9 September, 2022 (QJ)- Gudaha Somaliland waxa istaagay meelaha qaarna gaabis galay dhammaan dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed ee ka socda gudaha dalka, iyada oo sababtu tahay hubanti la’aanta Somaliland wajahayso ee ka dhalatay go’aanka Muuse Biixi ee ah doorashada ururada oo si khasab ah loo qabto.

Warbaahinta Qurbejoog ayaa u kuur gashay waaxaha kala ah bangiyada iyo maal-gashiga, dhismaha, sarifka lacagaha, iyo alaabaha dibadda laga keeno.

Masuul ka gaabsaday in magaciisa la sheego oo ka shaqeeya Mid ka mid ah bangiyada ugu waawayn Somaliland wuxuu noo sheegay in bilihii lasoo dhaafay ay dadku lacago badan la baxeen oo ay faaruqiyeen akoonada, taas oo ay ka cabsi qabaan dagaalo sokeeye oo bilaabma.

Shirkadaha dhismaha ayaa iyaguna noo sheegay in aanay jirin mashaariic cusub oo dhisme ah balse ay kaliya dhammaystirayaan mashaariicda ay hore gacanta ugu hayeen, waxaana intaas dheer in aanu jirin kala-iibsigii dhulku.

Dhanka sarifka lacagaha, lacagta doollarka ayaa la filayaa in qiimaheedu cirka isku shareero maadaama dhammaan dadku rabaan in ay doollar gacanta ku haystaan oo aanay anfacahayn lacagta Somaliland hadii xaalado qalalaase waddanku galo.

Shirkadaha waawayn ee badeecadaha kala duwan dalka keena ayaa iyaguna yareeyay alaabaha ay dibadda ka keenaan, illaa inta uu fadhiisanayo xaaladda dalku oo hubanti la’aanta laga baxayo.

Sababta ugu wayn ayaa ah in laga cabsi qabo iska hor imaado iyo dagaalo sokeeye oo ka dhasha khilaafka cirka isku shareeraya ee ka taagan doorashooyinka Somaliland.

Comments are closed