|

Maxaa ka jira shirkadda sheegatay qamadida Yukrayn ugu deeqday Soomaaliya

Hargeysa. 9 September, 2022 (QJ)- Shirkadda daqiiqda soo saarta ee fadhigeedu yahay magaalada Berbera, alWataniyah, ayaa sheegtay in ay leedahay markab sida qamadi oo Yukrayn kasoo shiraacday. Markabka ayay dawladda Yukrayn sheegtay in uu u socda Soomaaliya oo ay ugu deeqeeen si xaaladaha abaarta wax looga qabto.

Guddoomiyaha Shirkada Daqiiqda Al-Wataniya Axmed Faarax Xarbi, ayaa si ka duwan sida uu sheegay madaxweynaha Yukrayn Volodymyr Zelenskyy, sheegay in markabka qamadiga ah ay Al-Wataniya leedahay.

“War BBC sheegtay, oo ay ku sheegtay in qamadi mucaawimo ah Yukrayn usoo rartay Soomaaliya, warkaasi qamadiga lagu sheegay in uu Soomaaliya u socdo maaha war jira, waa qamadi imanaya Berbera oo ay shirkada Al-Wataniya leedahay” ayuu yidhi Xarbi.

Xarbi waxa uu sheegay in markabka qamadiga ahi aanu ahayn caawimo Soomaaliya loo wado ee uu yahay qamadi u socda shirkada Al-Wataniya, oo ay soo kasoo iibsadeen dalka Yukrayn.

“Markab kaasi wuxuu u sidaa shirkada 28,774 mitirig tan, oo qamadi ah, oo ay shirkadu soo iibsatay, waxanay qamadiga shirkadu LC kaga furatay bangiga East African Bank, loo yaqaano, ee Jabuuti dagan ee kamid ah Dahabshiil Group, mana aha mucaawino” ayuu yidhi Xarbi.

Madaxweyne Zelenskyy ayaa qoraal uu bartiisa Twitterka ku baahiyay Arbacadii ku sheegay in markab sida 28,600 oo tan oo qamadi ah, uu dhawaan soo gaadhi doono Soomaaliya, qamadigaas oo uu madaxweynuhu sheegay in wax lagaga qabanayo abaarta ka jirta dhulka Soomaaliya.

XAQIIQO-RAADINTA QURBEJOOG

Qurbejoog waxay u kuur gashay sida ay wax u jiraan iyo sugnaanshaha warka shirkadda alWataniyah oo xarunteedu ku taalo duleedka magaalada Berbera, wadada tagta Burco ama Sheekh meel aan ka fogayn warshaddii hore ee sibidhka Soomaaliya ee Berbera ku taala.

Bishii June ee sanadkan ayay ahayd mar uu saxafi ka tirsan Qurbejoog booqday warshadda daqiida isla markaana la kulmay maamulka sare ee shirkadda, isaga oo waydiiyay warshadda iyo shaqadeeda.

Maamulka shirkadda ayaa markaas y sheegay saxafiga in aanay jirin wax kayd ah oo meel u yaala iyo qamadi ay farsameeyaan marka ay dhamaato ta ay markaas hayeen oo illaa sanadka danbe ku filnayd. Waxay intaa ku dareen in aanu jirin wax iib ah oo ay sameeyeen muddooyinkii danbe maadaama dagaalo ka socdaan Yukrayn.

Xogta hore ee Qurbejoog ay haysay waxay shaki galinaysaa lahaanshaha shirkadda ee qamadidan. Goorta ay soo iibsatay? Mudada ay soo socotay? Iyo hannaanka loo maray maadaama shirkadaha Somaliland aanay si toos ah maraakiibta waawayn ula macaamili karin.

Comments are closed