Dibad-bax Khamiista ka dhacaya Hargeysa iyo waxa uu daaran yahay
Hargeysa. 7 September, 2022 (QJ)- Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland waxa ka socda abaabul xoogan oo lagu samaynayo dibad baxyo ballaadhan oo laga dhigi doona caasimadda, kuwaas oo lagu dalbanayo sii daynta dad xidhan.
Dibad baxa ayaa looga golleeyahay sidii loo sii dayn lahaa Suldaan Axmed Cismaan CadaGude oo u xidhan Muuse Biixi, iyo dad kale oo la xidhan oo loo haysto u jeed ooyin aan la garanahayn.
Dhalinyarada caasimadda ayaa wada qorshaha dibad baxa hadii lasii dayn waayo Suldaan Cadagude inta ka horaysa maalinta Khamiista ee bisha September tahay 8.
Suldaan Cadagude ayaa goor fiid ah laga xidhay degmada Maxamuud Haybe isaga oo ay weheliso xaaskiisu, waana xili uu ku socday hoygiisa. Hadda waxa uu ku jiraa Xabsiga Madheera ee Berbera u dhow. Suldaanku waa gudoomiyaha beelwaynya Garxajis oo degta 5 gobol oo ka mid ah 6 da gobol ee Somaliland ka kooban tahay, wuxuuna aad u dhaliilaa Muuse Biixi iyo hogaamintiisa arintaas oo sabab looga dhigayo xadhiga Suldaanka oo illaa imika wax lagu haysto aanay caddayn Xeerilaalinta iyo laamaha ammaanku.