Golaha Wakiilada Somaliland oo ansixiyay xubnihii Komishanka ee ay diideen
Hargeysa. 6 September, 2022 (QJ)- Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta ansixiyay xubno saddex ah oo ka tirsan Komishanka Doorashooyinka, kuwaas oo ay hore u diideen.
70 xildhibaan oo kasoo xaadiray kalfadhiga maanta ayaa dhamaantoodba gacanta u taagay Muuse Xasan Yuusuf, Axmed Cismaan Xasan iyo Axmed Yuusuf Maxamed, oo kamid noqon doona Guddida Doorashooyinka Somaliland.
Hadaba, madaxweyne Biixi ayaa xubnahan golaha kusoo celiyay, iyadoo goluhu uu diiday in uu codka kalsoonida siiyo muddo laba bilood ka hor ah, xiligaas oo uu goluhu ansixiyay 4 kamid ah xubnaha guddida, kadibna uu galay fasax 2 bilood ah.
Kadib fasaxa labada bilood ah ee uu goluhu galay, xukuumada Somaliland ayaa in muddo ah ku eedaynaysay golaha wakiilada in ay ka caga jiidayaan dhamaystirka guddida doorashooyinka si loo amba qaado qabashada doorashooyinka madaxweynaha iyo ururada.
Tallaabadan ayaa soo af jaraysa in Muuse Biixi helo qiile kale oo uu doorashada ku qaban waayo.