Muuse Biixi oo qaadaya isku-daygii ugu waynaa ee uu ku kala jabinayo Garxajis
Hargeysa. 5 September, 2022 (QJ)- Madaxweynaha Somaliland ayaa la filayaa in uu qaado tallaabo culus iyo go’aan adag oo uu ku rabo in uu kala reebo beesha Garxajis gaar ahaan Ciidagale iyo Habaryoonis, kuwaas oo wakhtigan si isku mid ah ugu muujiyay sida ay uga go’antahay talada dalka oo lagu wareejiyo.
Xogo kala duwan oo warbaahinta Qurbejoog heshay ayaa tilmaamaya in Muuse Biixi kursiga murashaxnimada u banayn doono beesha Ciidagale kadib marka uu helo muddo kordhin bilaha soo socda, tallaabadaas oo dhaawici karta midnimada beesha Garxajis.
Hadafka ugu wayn ee Muuse Biixi ayaa ah in talada aanay iman Xirsi Cali X. Xasan iyo Cabdiraxmaan Cirro, wuxuuna waayay tallaabo kale oo uu kursiga kaga hor is taago xisbiga Waddani.
Lama oga waxa uu Muuse Biixi ka yeelayo hanka saaxiibkii Maxamed Kaahin oo isagana ay da’du eryayso, balse yoolkiisaa koobaad ayaa ah Waddani iyo Xirsi oo la seejiyo kursiga.
SAADAASHA CABDIKARIIM MAXAMED IID IYO MAAYIRKA HARGEYSA
Xogaha ay Qurbejoog heshay waxay tilmaamayaan in Muuse Biixi soo hadal qaaday mulkiilaha sheerka ugu badan Somaliland ee shirkadda Telesom, Cabdikariim Maxamed Iid, oo uu ka dhigo murashaxa madaxtinimada xisbiga Kulmiye isaga oo dhaafsanaya dano kale kana hor istaagaya kursiga Cirro iyo Xirsi.
Cabdikariim Maxamed Iid, wuxuu dhawaan baneeyay jagada ugu saraysa Telesom oo 20-sanno wax ka badan uu maamulayay, iyadoo arintani shaki kale abuuri karta meesha uu Cabdikariim Maxamed Iid u socdo wakhtigan iyada oo da’diisu ay ka yartahay 60-sanno.
Shirkadda Telesom ma ogola in talada uu yimaado Xirsi Cali X.Xasan maadaama ay isku dhawyihiin Dahabshiil oo ay xafiiltamaan Telesom.
Dhanka kale, maayirka Hargeysa ayaa la filayaa in uu Kulmiye ku biiro si uu kor ugu qaado miisaanka Ciidagale ee Kulmiye isla markaana qayb uga noqdo taageerada Muuse Biixi raadinayo.
Lama oga sida ay xaaladuhu isu bedeli doonaan labada bilood ee soo socda oo xogo badan oo kale ay kala caddaan doonaan.