Golaha Wakiilada Somaliland oo Kal-fadhiga 4aad ka reebay Xeer n.14
Hargeysa. 5 September, 2022. (QJ)- Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta kasoo laabtay fasax ay ku maqnaayeen iyagoo guda galay Kalfadhiga 4aad ee Golaha.
Ajandaha Kalfadhiga 4aad ayay xildhibaanadu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen, balse dad badan ayaa wax iska waydiinaya ajandayaasha oo xeerka ugu muhiimsanaa laga reebay.
Xeer n.14 oo ah xeerka qeexaya arimaha muranku ka taaganyahay ee ururada siyaasadda ayaa gabi ahaanba ka maqan ajandaha, lamana oga sababta ay Goluhu ay isu dhaafinayaan khilaafka oo xalkiisa ay leeyihiin doorka ugu wayn.
Somaliland waxa ka taagan khilaaf salka ku haya sida ay usoo kala horeeyaan doorashada madaxtooyada iyo ta ururada.
Halkan ka akhriso ajandaha: