Golaha Guurtida oo qirtay in ay ku fashilmeen xalinta khilaafka Somaliland
Hargyesa. 4 September, 2022 (QJ)- Golaha Guurtida ee Somaliland ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay gabi ahaanba ay ku fashilmeen in ay xaliyaan ama in uun wax ka qabtaan xaaladda adag ee khilaafka Somaliland ka taagan, iyada oo gudoomiyaha goluhu uu sheegay.
Saleebaan Gaal ayaa Golaha oo fasax kasoo noqday u sheegay in ay fashil ku dhamaatay dhex dhexaadin ay ka dhex sameeyeen dhinacyada khilaafku ka dhexeeyo.
“Mudadii waanagii isku daynay asxaabtan sadexdan xisbi ee had iyo jeer isku taagan uun in bal wax laga qabto, waa buha-buhaynay laakiin waxba nooma qabsoomin. Been yaan laydiin sheegin” ayuu yidhi Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Gaal.
Arintan ayay dadka wax falanqeeyaa ku tilmaameen mid sumcad xumo ku ah Golaha Guurtida iyo sidoo kale Saleebaan Gaal oo ah oday da’ ah oo laga filayay in uu cidda qaldan u sheego khaladkeeda, balse ma dhicin arintaasi.
Is-nari-waaga dhinacyada isku haya siyaasadda Somaliland ayaa taagan iyadoo aan la ogayn waxa uu khilaafkani ku dhammaan doono waxaana jira walaacyo laga soo saarayo.