|

AlShabaab oo sheegatay weerar lagu dilay 20 qof badhtamaha Soomaaliya

Muqdisho 3 September, 2022 (QJ)- Kooxda Alshabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya ayaa sheegtay masuuliyadda weerar lagu dilay in ka badan 15 qof iyo gubida 8 gaadhi oo lagu gubay deegaanka Afar-Irdood oo ku yaalla inta u dhaxaysa Maxaas iyo Baladweyne.

Ururka Alshabab ayaa saraakiil u hadlay waxay sheegeen in dadka ay dileen ahaayeen maleeyshiyaadka Macaawisleyda ee dhawaan dagaalka kula galay gobolka Hiiraan, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Alshabaab waxay sheegeen gaadiidka ay gubeen inuu sahay raashin ah u siday Macaawisley ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ayna jidka u galeen.

Waxay sheegeen inay 20 kamid ah macawisleyda ku dileen howgalkaan ayna sidoo kale kula wareegeen raashin ah aan ahayn kuwa la gubay.
Dadka Alshabaab ay dileen ma hubaysnayn, waxaana warar lagasoo xigtay masuuliyiin dowladdeed iyo dad shacab ah ay sheegeen inay ahaayeen dad shacab ah oo raashin u waday degmada Maxaaas ee gobolka Hiiraan.

Comments are closed